3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo Muqdisho ku geeriyooday

Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho," ayuu Sheekh Aadan Madoobe ku yiri bayaan uu soo saaray.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuum-ka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda.

Marxuumka ayaa muddo ka badan 15 sano kamid ahaa barlamaanka Soomaaliya. Wuxuu kamid ahaa xildhibaannada lasoo doortay Hirshabeelle.

Weli lama xaqiijin waxa uu u geeriyooday, inkastoo xogo aan ka helany qaar kamid ah eheladiisa ay sheegayaan inuu u geeriyooday xanuun hayay awgeed.












Click here
3/18/2023 3:52 PM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalka Uganda.

3/18/2023 3:34 PM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay laayeen maxabiis ay ka qabteen xoogaga dagaalka kula jira.

3/18/2023 9:44 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Alle ha u naxariistee waxa magaalada Boorama ku geeriyootay fannaanadii codka halaasiga ah lahayd ee Aamina Cabdillaahi Xirsi.

3/18/2023 6:17 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Laascaanood ku qabatay 20 maxbuus, 2 baabuur, 15 qori oo kuwa culus ah iyo hub fudud oo tiro badan.

3/18/2023 2:52 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino oo geystay khasaare dhmasho iyo dhaawac leh lagula eegtay duuleedka magaaladaasi gaari ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya.

3/18/2023 2:01 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa saakay ka billowday dhowr jiho oo magaalada Laascaanood ah.

3/18/2023 1:49 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in kooxo ay ku tilmaantay huwan, oo ay sheegtay in argagixiso kamid tahay isla markaana ay Puntland hogaaminayso ay weerar muddo la qorshaynayay kusoo qaadeen fadhiisimada millatariga ee aaga Laascaanood.