4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2023
Dowladda Imaaraatka Carabta oo Muqdisho geysay 800tan oo mucaawino ah

Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka dajisay gargaar mucaawino ah oo gaaraya 800 tan.

Dowladda Imaaraatka ayaa gargaarkan ugu talo gashay in la gaarsiiyo qoysaska Soomaaliyeed ee tabaalaysan ee ku nool gobolada dalka, si ay bisha Ramadaan u helaan raashin ay quutaan.

Safiirka Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi, ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed la qeyb sanayaan dhibaatada ay wajahaan xilligan.

Agaasimaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin, ayaa mucaawinadan ka guddoomay safiirka, isagoo ballanqaaday in la gaar siindoono guud ahaan gobolada dalka oo aan ka ahayn degaanada ay haystaan Alshabaab.

Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah dowladaha safka hore uga jiray taakulada Soomaaliya. Gaar ahaan intii dowladdan jirto waxay dhowr jeer Soomaaliya geeyeen mucaawino.

Bishii August ee sanadkii hore, Imaaraatka ayaa Soomaaliya keenay mucaawino ka koobnayd 40 konteenar oo ay ku jiraan raashin kala duwan oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, taasoo gaartay heer aad u xun oo ay ku barakaceen in ka badan 1 milyan oo qof.

Kaddib markii uu dib usoo noqday xiriirka labada dal, Dowladda dalkaas ayaa sheegtay inay xoojinayso gurmadka biniaadinimo ee Soomaaliya.