Waa Cusub oo u Baryey daaweynta indhaha: Unugyada Asliga oo laysku daaweyn karo (Stem Cell Therapy)
Arbaco, Maarso, 15, 2023
Sponsored Post
Aqoonta cusub ee daaweynta unugyada asliga ah (stem cell therapy) ayaa waa cusub u furtay daaweynta cuduro kala duwan. Qaar ka mid ah cudurada ku dhaca indhaha ayaa ka mid kuwa lagu daaweyn karo habkaan cusub ee daaweynta unugyada (Stem Cell therapy). Haddii laga helo ogolaasho Wasaaradda Caafimaadka ee qaabilsan arrintaan, bukaano badan ayaa ka faa’ideysan karo aqoontaan cusub ee daaweynta unugyada (Stem Cell Therapy).
Ma aha wax la dhayalsan karo in arraga qofku uu yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee jirka, taas oo la’aanta arraguna hoos u dhac weyn u geysan karto nolosha qofka. Waxaa mararka qaar lays bar-bar dhigaa in cudurka indha-la’aanta uu ka qatarsanyahay cudurka KANSARKA. Laakin dadka badankiisa weey sahladaan xanuunada xubnaha aragga ilaa iyo inta ay dhibaato badan ka soo gaarto. Professor Ayse Öner oo ku taqasustay daaweynta cudurada indhaha kana haw-gasha isbitaalka Acibadem ee magaalada Kayseri ee wadanka Turkiga ayaa sheegay in badanaaba aragtida oo xumaata (visual impairments) lagu daaweyn karo muraayadaha indhaha (eyeglasses). Aragti-xumida ka dhalata da’dana waxaa lagu daaweyn karaa qalliin. Laakin qaab kale oo lagu daaweeyo ayaa loo baahanyahay haddii aragtidu ka xumaato qaybaha dambe ee indhaha sida Ratinaha.
Isticmaalka Unugyada iskood isku daaweeya
Qaar ka mid ah xanuunada indhaha waxaa lagu daaweny karaa irbado indhaha lagu mudo, taas oo maalmahan dambe aad loo isticmaalo. Xanuunadaa waxaa ka mid ah Dhiigbaxa indhaha, bararka, sonkorowga nooca labaad, kuwa xanniba halbowlaha isha iyo nooca qoyan ee sababa aragti xumada.
Ayada oo ku nuuxnuuxsaday in isticmaalka unugyada asliga ahi ay beryahan dambe ku jirtey qorshaha daawaynta xanuunada indhaha ee la iska dhaxlo, kuwaas oo yimaada xiliga da yaraanta lagu jiro, keentana cillad xaga araga ah oo sii korodha, Prof. Öner waxay tiri, marka hore, waxa xasaasi ah in la qeexo waxa uu yahey unugyada asliga ah (Stem Cell) iyo sidey u saameeyaan arrintan. “Unug-horeeyayaasha asliga (precursor cells) ah waa nooca ugu saafisan unugyada aasaasiga ah ee jidhka bini’aadamka – waxay awood u leeyihiin inay isku beddelaan unugyo kale. Unugyada asliga ah waxa kale oo si kedis ah u degi karaan jawi koritaan ku habboon, halkaas ooy ku tarmaan, una kala baxaan noocyo kala duwan, kana abuurmaan noocyo unugyo kale ah. Unugyada Asligu waxay sidoo kale dib u soo abuuri karaan naftooda, waxayna sugi karaan waaritaanka unugyadooda. Waxa kale ooy awood u leeyihiin inay hagaajiyaan oo ay dib u soo celiyaan hawlaha unugyada ka dib hadii dhaawac ku yimaado qayb kasta oo jidhka ah.” Prof. Öner ayaa waxay intaa ku dartay “ Unugyada Asliga ahi waxay beddelaan unugyada qeyb-dambeedka (Retinal) indhaha ee dhaawacmay, oo ay hagaajiyaan awoodahaas ay leeyihiin awgeed. Unugyada Asliga ayaa loo isticmaalaa daaweynta cudurro badan iyagoo laga faaiideysanayo sifooyinka ay leyihiin ee aan kor ku sheegay”
Horay oo loo ogaado cudurka, waxay kordhineysaa guul laga gaaro daaweyntiisa
Isticmaalka habkan daawaynta waxa ay ku salaysan tahay buuxinta shuruudo khaas ah: Marka hore, xubnaha isha waa in loo ilaaliyo loona diyaariyo ku daawaynta unugyada asliga ah (Stem Cell). Unugyada asliga ah ma caawiyaan bukaanada indhahoodu qalloocan yihiin ama hoos u dhac ku yimaado cabbirka indhahooda. Arrinta labaad ee muhiimka ah waa saxnaanta aragga. Waxaa sidoo kale xusid mudan in daawaynta unugyada asliga (Stem Cell) faa'iido u lahayn bukaanada indhaha la’. Sidaa darteed, kooxda bukaanada ugu fiican ee ka faa’ideysan karta daaweynta unugyada asliga ah waa dadka aan qabin dhibaato weyn oo la xiriirta argagooda.
Ujeedada ugu weyn ah ee ku daawaynta unugyada asliga ahi, waa in la joojiyo faafidda cudurka. Tan waxayna keentay in aragtida indhahu wanaagsanaato, isla markaana baaxadda aragu u korodhay boqokiiba 60 ilaa 80 bukaannada. Heerka caafimaad ee indhahu helayaan qaliinka ka dib, waxaa ay ku xirantahay xaaladda caafimaad ee indhaha ay ku sugnaayeen qaliinka ka hor. Professor Öner ayada oo xuseysa ballaarinta aragtida iyo hagaajinta hawl-qabadka qeyb dambeedka indhaha (Retina) ayaa waxay tiri “Dhaqso oo daaweynta loo bilaabo, waxay keentaa natiijooyin wanaagsan. Sidaa darteed, cudurka oo horay loo baaro ka dibna la daweeyo waa arrin aad muhiim u ah.”
Qaabkii loo isticmaalaa Unugyada tarma ee Mesenxchymal
Si qofka jiran uu uga faa’ideysto daaweynta unugyada asliga ah, waa in marka hore uu maraa baaritaano kala duwan oo kala ah: (Visual field, Optic Coherence Tomography and electrophysiology ). Baaritaanadaasa ayaa lagu hubinayaa in bukaanka uu diyaar u yahay daaweynta unugyada asliga ah (Stem cell therapy). Inta aan daaweynta lagu bilaabin bukaanka, waa in marka hore ogolaasho laga helaa wasaaradda caafimaadka. Marka wasaaradda caafimaadka soo ogolaato, ayaa bukaanka loo diyaariyaa qaliin. Prof. Öner oo arrintaan ka warbixineysa ayaa waxay tiri “ Xaruunteena caafimaadka, waxaan isticmaalnaa Unugyada daaweynta ee (umbilical cord-derived mesenchymal), waana qaabka ugu sahlan oo dhibaato badan aan keeneyn. Bukaanka ayaa lagala tashadaa qaabka loo suuxinayo inta aan la bilaabin qalinka. Ayada oo la tix-galinyo talada bukaanka ayaa labada indhoodba isku mar la qali-karaa ama mid-mid ayaa loo qali karaa. Daawaynta dhibcaha indhaha (Eye drop treatment) ayaa muddo bil ah lagu wadayaa. Xaaladda caafimaad ee bukaanka ayaa la qiimeynayaa hal maalin marka ay ka soo wareegto qalliinkiisa. Muddooyinka hal bil, saddex bilood iyo lix bilood ayaa bukaanka xaaladiisa caafimaad si gaar ah loola soconayaa. Wixii markaa ka dambeeya sannadkiiba laba jeer ayaa xaaladiisa caafimaad la fiirinayaa ayada oo la adeegsanayo qalabka (visual field and OCT).
Unugyada Asliga (Stem Cell) waxa loo isticmaali karaa daawaynta cudurro badan oo indhaha ah
Unugyada Asliga ah ayaa inta badan loo isticmaalaa ku daaweynta cudurrada la iska dhaxlo ee qeyb-dambeedka indhaha, neerfaha indhaha iyo bu’da indhaha. Cudurada indhaha ee buuxiya shuruudaha isticmaalka habkan waxaa ka mid ah retinitis pigmentosa, oo sidoo kale loo yaqaan indho-la'aanta habeenkii, Stargardt macular dystrophy, kuwa gabowga ku yimada ee macular degeneration - gaar ahaan nooca qalalan oo loo yaqaanno cudurka barta hurdiga ah (spot yellow disease) - iyo cilladaha kale ee hoos u dhiga hab-shaqeynta qeyb-dambeedka indhaha. Cudurada dareemayaasha indhaha (optic nerve) waxaa ka mid ah aragti baab’a ka yimaada cudurka dhaawaca xidid dambeedka isha (glaucoma), jug ama dhaawac isha ku dhaca, ama xanuuno kale oo jinsi raacooda aan la garan karin.