3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2023
Puntland oo ka hortimid in hay'adaha caalamiga ah ay deyn siiyaan dowladda Soomaaliya

Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay deymo uga hesho hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka deeqaha bixiya.

“Puntland ma taageereyso hindisaha lagu amaahinayo hay’adaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahani waxa uu ka dhigi doonaa in carruurta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeeshaan deyn-bixiyayaasha” ayuu yiri wasiirka qorshaynta Puntland.

Maxamed Siciid Faroole, wuxuu sheegay, Puntland inay warqad u diri doonto deyn bixiyayaasha caalamka si ay uga hortagaan, wuxuu ku sheegay qorshaha lagu doonayo in lagu isticmaalo sharcinimada hay’adaha taagta daran ee dowladda Soomaaliya.

Hadalka Puntland ayaa yimid, iyadoo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay qorshaynayso iyadoo adeegsanaysa  nidaamkan cusub ee indhaha Beesha Caalamka , ay doonayso in ay lacago ka soo amaahdaan dalalka deeqaha bixiya iyo hay’adaha Bretton Woods, inkasta oo uu hakad ku jiro qorshaha deyn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay uga faa’ideysan lahayd hantida qaranka.












Click here
3/15/2023 11:09 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu soo gabagabeeyay shir afartii maalmood ee lasoo dhaafay halkaasi uga socday Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Ganacsiga dowlad gooboleedyada kala ah Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

3/15/2023 7:56 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka dajisay gargaar mucaawino ah oo gaaraya 800 tan.

3/15/2023 6:27 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa sheegay in anay hirgalin xabad joojintii xukuumada Somaliland ku dhawaqday, iyo in anay wadahadal aqbalayn ilaa ciidamada Somaliland Oog tagaan.

3/15/2023 3:54 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa markale shaaca ka qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo lagu helo iney ka mid tahay kooxda Al-shabaab ama garab u noqota.

3/15/2023 2:30 AM EST
Aqoonta cusub ee daaweynta unugyada asliga ah (stem cell therapy) ayaa waa cusub u furtay daaweynta cuduro kala duwan. Qaar ka mid ah cudurada ku dhaca indhaha ayaa ka mid kuwa lagu daaweyn karo habkaan cusub ee daaweynta unugyada (Stem Cell therapy). Haddii laga helo ogolaasho Wasaaradda Caafimaadka ee qaabilsan arrintaan, bukaano badan ayaa ka faa’ideysan karo aqoontaan cusub ee daaweynta unugyada (Stem Cell Therapy).

3/15/2023 1:17 AM EST
Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo katirsanaa Alshabaab.