4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 7 , 2023
Golaha Ammaanka oo ku baaqay in ciidamada Somaliland si degdeg ah looga saaro gobolka Sool
 

Arbaco, Juun 7, 2023 (HOL) - Golaha Amaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay colaadda ka socota magaalada Laascaanood, taas oo sababtay dhimashada dad badan oo rayid ah iyo barakaca in ka badan 150,000 oo qof.

Bayaan ay soo saareen Golaha Ammaanka ayay kusoo dhaweeyeen dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Itoobiya iyo odayaasha degaanka ee SSC. Dadaaladaas oo lagu xaqiijinayo xabbad-joojin loo dhan yahay.

Golaha Ammaanka waxa uu bayaankiisa ku sheegay in Somaliland  ay si deg-deg ah ciidamadeeda uga saarto goobaha dagaalka ee Laascaanood, iyo inay dhinacyadu is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan falal kaste oo sii hurinaya colaadda.

Golaha Ammaanku wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada is haya inay si degdeg ah heshiis xabbad-joojin ah u gaaraan. Wuxuu ku dhiirri-galiyay wada-hadal loo dhan yahay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqday Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) inuu bixiyo taageero dheeraad ah si waafaqsan waajibaadkiisa.

Golaha amaanka ayaa ugu dambayn walaac ka muujiyey saamaynta ay colaaddu ku yeelan karto xaaladda bini’aadantinimo ee magaalada Laascaanood, iyadoo sii kordhinaysa barakaca iyo dhibaatada ka dhalatay abaartii sanadka 2022.