4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 5 , 2023
Agaasimaha madaxtooyada: Soomaaliya waxay u baahan tahay in awoodda fulinta ay hal aragti hoggaamiso
 

Isniin, Juun 5, 2023 (HOL) - Agaasimaha guud ee madaxtooyada dowladda Soomaaliya, Xuseen Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in awoodda fulinta hal aragti ay hoggaamiso.

Agaasimaha madaxtooyada wuxuu aaminsan yahay in arrintaan ay xal u noqon karto khilaafka soo noq noqda ee soo kala dhexgala madaxda ugu sarreysa dalka.

Xuseen Sheikh Maxamuud Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay in awoodaha sharci dajintu iyo garsoorku yihiin waxa loo baahan yahay in lagu dabro awoodaha halka aragti ee fulineed.

Dhawaan, golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya ayaa gaaray heshiis siyaasadeed oo sheegaya in meesha laga saaro jagada raysal wasaaraha dalka, dalkuna uu yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka ku yimaada doorasho qof iyo cod ah.

Heshiiskan oo hadda horyaala barlamaanka waxaa ka dhashay muran badan. Dhinacyada kasoo horjeeda ayaa ku tilmaamay mid baalmarsan dastuurka dalka iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiiskaan ku tilmaamtay mid horseedaya inuu dalku yeesho labo xisbi oo ku tartama hoggaaminta dalka, lagana gudbo nidaamkii dalku horey ugusoo dhaqmayay oo ay ku tilmaamtay mid aan hore u socod lahayn.