4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 5 , 2023
Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay maan dooriye tiro badan iyo ragii watay
 

Isniin, Juun 5, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa qeybta Bari ee gobolka Banaadir ayaa Xalay gacanta kusoo dhigay maandooriye fara badan oo lagu soo qariyay jawaanada lagu iibiyo dhuxusha.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Booliiska Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidanka ay ku qabteen degmada Kaaraan jawaanada laga soo buuxiyay waxyaabaha maanka dooriya oo ahaa Xashiis iyo ragii watay, islamarkaana la horgeyn doono Sharciga.

“Caawa oo Taariiqdu tahay 04/06/2023 abaaro 08:45 PM ayaa ciidanka boliiska saldhiga kaaraan  iyo ciidanka polis milataariyo ay gacanta ku soo soodhigeen maandooriye xashiish ah iyo eedeysanayaashii waday waxaana la waafujin doonaa cadaalada” ayuu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir.

Muqdisho waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay si xoogan uga socday howlgalada ay ciidamada amaanka kula dagalamayaan isticmaalka iyo iibinta waxyaabaha maanka dooriya, kadib markii uu amray guddoomiyaha gobolka Banaadir in macnuuc ay tahay in Muqdisho lagu arko meel lagu iibinayo ama lagu isticmaalayo waxyaabaha maanka dooriya.