4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 3 , 2023
Askari katirsan ciidanka ilaalada midowga Afrika oo la sheegay inuu xerada Xalane ku toogtay saddex askari oo ATMIS katirsanaa
 

Talaado, January, 3, 2023 (HOL) - Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano (SFC) ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu toogasho ku dilay saddex askari oo ay wada shaqaynayeen ka hor inta aan la xirin.

Sida uu sheegay qof ku sugan magaalada Muqdisho, falkaan oo dhacay maalintii shalay oo isniin ahayd, ayaa ka dhacay afafka hore ee Saldhigga Xalane ee taliska ATMIS.

Ilo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo amni awgood ayaa yidhi: Eedeysanaha, ayaa fiidnimadii isniinta isku dhaceen saaxiibkiis Lance Corporal. Abbaaro 5:45 subaxnimo, ayuu saaxiibkiis toogtay. “Markii uu ku soo laabanayay booskiisii, wuxuu la kulmay nin kale oo ay wada shaqaynayeen, wuuna toogtay. Askari kale oo u soo baxay inuu arko waxa dhacaya isagana waa toogtay,” ayuu yiri ilo-wareedka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in askariga ay rasaasta ka dhammaatay, isla markaana askari kale oo ka ag dhawaa uu qabtay.

Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Uganda, UPDF Brig Gen Felix Kulaigye ayaa markii hore ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, laakiin Markii dambe ayuu xaqiijiyay dhacdada, isagoo sheegay in askariga la maxkamadeyn doono.

Ma uusan carabaabin dadka la dilay, wuxuuna sheegay in ilaa hadda aan la xaqiijin sababta ka dambeysay toogashada.