3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan
 

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo la sheegay iney kaso talaabeen wabiga Shabeelle ay weerar ku qaadeen fariisin deegaanka ay ku lahayeen ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo daryankiisa laga maqlaayo meelo ka fog deegaanka Beerxaano oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee  ka dhashay dagaalka oo ah mid wali ka socda deegaanka Beerxaano, hayeeshee waxaa lasoo warinaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray.

Al-shabaab ayaa inta badan kasoo talaabta wabiga Shabeelle marka ay weerarayaan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan oo horay looga saaray.












Click here
1/19/2023 12:42 PM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo maanta furay Shir qiimeyn ahaa oo loo qabtay masuuliyiinta gobollada uu degaanku kakooban yahay ayaa si adag uga hadlay Musuq maasuqa iyo ciqaabta uu yeelanayo masuulkii musuq lagu helo.

1/19/2023 9:29 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdi Jiirow oo loo yaqaano Dr. Fanax oo katirsanaa Alshabaab.

1/19/2023 6:44 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Ugu yaraan 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka Kenya meel u dhow soohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

1/19/2023 4:32 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday iney dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta Guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho oo horay loo joojiyay bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2022.

1/19/2023 2:39 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay 49 ka tirsan Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

1/19/2023 12:29 AM EST
Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Hirrshabelle ayaa caddeysay cidkasta oo u hoggaansanta awaamiirta Alshabaab in ay ku xukun yihiin iyaga.