4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2023
Shirweynahii Beesha Xawaadle oo laga soo saaray goordhaw War murtiyeed ka kooban 16 qodob

Sabti, February, 18, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Nairobi ee dalka Kenya kusoo gabagaboobay Shirweyne labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday halkaas qeybaha kala duwan ee Beesha Xawaadle, sida siyaasiyiinta, haweenka, dhalinyarada, waxgaradka, Culimada iyo Ganacaatada.

Shirweynahaan Wadatashiga Beesha Xawaadle oo loogu magac daray Shirka Marxuum Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban 16 qodob oo dhamaan quseeya xaalada guud ee dalka.

War murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Beesha Xawaadle waxaa ugu horeyn tacsi loogu diray dhamaan dadkii ku geeriyooday dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dhacay gobolka Hiiraan iyo gobolada kale dalka.

Waxaa sidoo kale qodobada war murtiyeedka Beesha Xawaadle ka mid aha in Beesha ay saluugsan tahay qaab dhismeedka maamulka Hirshabelle oo ay sheegeen in wadadii loo maray dhismaheeda uu ahaa mid deg deg ku jiray, islamarkaana dowladda dhexe looga baahan yahay in dib u sixid deg deg ah ku sameyso hanaanka awood qeybsiga maamulka Hirshabeelle.

War murtiyeedka Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale lagu sheegay in beesha matalada iyo xilalka ay ku leedahay dowladda dhexe ay ka hooseyso miisaanka ay leedahay Beesha Xawaadle, waxaana loogu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Xamse in ay si deg deg ah wax uga qabtaan arrinkaas.

Beesha Xawaadle waxaa sidoo kale ay ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Laascaanood, islamarkaama lagu dhameeyo wax walba miiska wadahalka.

Hoos ka Akhriso War murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha Beesha Xawaadle:-