4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya iska hor imaad Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Sabti, February, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad duhurnimadii Maanta ku dhexmaray Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka kala tirsan Nabadsugida Qaranka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya, waxaana iska hor imaadka labadaan ciidan uu ka dhashay muran la xariiray maritaanka barkoontarool oo halkaasi ku leeyihiin ciidanka NISA oo celiyay ciidankii Miliratiga ahaa, taasoo ugu dambeyn keentay inuu qarxo iska hor imaadka labada ciidan.

Iska hor imaadka labada ciidan ee ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu geystay dhaawacyo soo gaarsay dad shacab ah, waxaana la xaqiijiyay dhaawaca qof dumar ah oo Isgoyska ku iibineysay Qaad.

Ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa Inta badan sidaan oo kale isugu rasaaseeya baraha kontaroolada ee ku yaala gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo khasaaraha ugu badan ee is rasaaseeyntooda ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.