4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2023
Barlamaanka Soomaaliya oo qeyb kamid ah mushaarkooda u jaray gurmadka Turkiga

Sabti, February, 18, 2023 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta 20% mushaarkooda u jaray gurmadka dadka ku waxyeeloobay dhul gariirka ku dhuftay Turkiga.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka oo guddoominayay kulanka barlamaanka ee maanta ayaa sheegay in ay ansixiyeen in 20% mushaarkooda u jaraan gurmadka Turkiga.

Cabdullaahi Abshirow wuxuu sheegay in Turkigu abaal weyn ku leeyahay Soomaaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay inay Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedu kaalin ka qaataan gurmadka dadka ku waxyeeloobay dhul gariirka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilowday olole lacag uruurin ah oo ay kaga qeyb qaadaneyso gurmadka dhul gariirkii ka dhacay Turkiga.

Raysal wasaare Xame Cabdi Barre ayaa sheegay in ujeedku yahay in saddex maalmood gudahood lagu soo ururiyo lacag dhan shan milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Xamse wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay hal milyan oo doollar ugu deeqday ololaha gurmadka dhulgariirka Turkiga.