4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 18, 2023
Barlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay sharciga socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed
 

Sabti, February, 18, 2023 (HOL) - Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, kaasoo dhawaan golaha wasiiraddu ay meel mariyeen.

Sharcigaan meel marintiisa ayaa waxaa hareeyeeyay buuq badan oo ka dhex dhacay golaha, kadib xildhibaano ay sheegeen in aan lagusoo darin soo jeedin ay guddiga kasoo talo bixinayay usoo gudbiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa uga mahadceliyay golaha shacabka ansixinta Hindise-sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo Jinisyadda.

Hay’adda socdaalku waxay sheegtay inay sharcigaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay tayaynta baasaboorka Soomaaliya, iyo sare uqaadida aqoonsigiisa.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay inuu muhiimad u leeyahay horumarinta kantaroolada socdaalka, xaduuudaha iyo ilaalinta xaquuqda shaqaalaha.