4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Ethiopia
 

Jimco, February, 17, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga ururka ee 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo argaggixisada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay soo bandhigi doonaan aragtida Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argigixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxaa la sheegay inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan madaxda dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynaha Midowga Afrika.