4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2023
Taliyaha Millateriga Somaliland oo sheegay in ay kooxo argagixiso ah la dagaalamayaan
 

Jimco, February, 17, 2023 (HOL) -  Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa markale ku celiyay in kooxo argagixiso ah oo khatar ku ah amniga Geeska Afrika, ay kula dagaalamayaan Laascaanood.

Taani oo warbaahinta xukuumada kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in magaalada ay kula dagaalamayaan kooxda Al Shabaab iyo Puntland oo ciidan, hub iyo dhaqaale dagaalka ku taageeraysa.

"Al Shabaab ayaa joogta oo ku dagaalamaysa, waxa ka dagaalamaya Puntland, dadka deegaanka ee markii hore soo yaacay way iska noqdeen, lakiin dadka ku dagaalamayaa waa Al Shabaab iyo Puntland, iyo kuwo kale oo koonfur kasoo baxsaday oo yimid" ayuu yidhi Taani.

Waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ahi ay rabaan in ay Laascaanood ka dhigtaan saldhig cusub kadib dagaalka deegaano badan ay dowlada Soomaaliya kaga xoraysay kooxda Al Shabaab.

"Waxa halkan la doonaya in laga dhigto saldhig Al Shabaab oo dadkii Xamar laga soo eryay ay halkan ku fidaan, oo ay salka dhigtaan ayay doonayaan, iyo Puntland oo doonaysa in ay dib ula soo noqoto gobolka" ayuu yidhi Taani.

Waxa uu sheegay in hadii aan kooxaha argagixisada ah laga sifayn Laascaanood ay khatar amni ku keenyaan dowladaha jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti, waxa uu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay Buuhoodle saldhig u ahayd imikana ay rabaan in ay Laascaanood isku fidiyaan.

Waxa uu sheegay in kooxaha ka dagaalamaya Laascaanood ay rabaan in ay dowlad Islaami ah ka dhisaan "Shalay ayuu Cabdi Madoobe laha, waa kufaar kuwani ee dowlad Islaami ah ayaanu ka samaynaynaa, waxa laga doonayaana waataa".

Waxa uu sheegay in ay difaacayaan nabadgalyada Geeska Afrika oo ay ka cabsi qabaan in argagixisada uu sheegay ay ku fido waddamada jaarka, isagoo intaa ku daray in ay ciidanka u fududahay in ay kooxaha argagixisada uu ku tilmaamay ay magaalada ka sifeeyaan lakiin shacabka ay u tudhayaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]