4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2023
Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyooday madaafiic maanta lagu garaacay magaalada Laascaanood
 

Jimco, February, 17, 2023 (HOL) - Ku dhawaad 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacmeen madaafiic lagu garaacay qeyb kamid ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ee dul fadhiya magaalada Laascaanood ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan madaafiicdan oo sidoo kale burbur xooggan u geystay dhismayaal kuyaala maagaalada Laascaanood.

Madaafiicdan lagu garaacay magaalada Laascaanood ayaa kusoo beegmay xilli lagu baaqayay in wada hadal nabadeed lagusoo afjaro xaaladda colaadda gobolka Sool.

Qaar kamid ah madaafiicda ayaa lagusoo tuurayay hoyga ay degen yihiin Garaadada SSC. Inkastoo aan lasoo sheegin wax khasaare ah oo gaaray Garaadada.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug), afhayeenka SSC, ayaa ku eedeeyay Somaliland inay maalin kaste caado ka dhigteen inay Laascaanood kusoo garaacaan hoobiyayaal lagu xasuuqayo dadka.

Caaqilku wuxuu sheegay in SSC iyo Somaliland aanay wax nabad ahi dhex mari karin, illaa iyo inta ciidamada Somaliland ka baxayaan Laascaanood.

Waxa uu beeniyay in  aay jiraan haba yaraatee inay magaalada Laascaanood ugu imaanayaan wafdi Isimo ah oo ka imaanaya magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, xafiiska Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalada ka dhacay magaalada Laascaanood.