4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2023
Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay shan ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab
 

Jimco, February, 17, 2023 (HOL) - Duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay gobolka Shabeeladda dhexe, ayaa lagu dilay shan dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika.

Duqeyntan oo dhacday galinkii dambe ee maalintii arbacada, ayaa lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda federalka Soomaaliya,  sida ay sheegtay AFRICOM.

Duqeynta ayaa laga fuliyay meel qiyaastii 300 oo mile dhanka waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ma jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay, AFRICOM ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa saraakiil ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah uu Mareykanku la beegsado Al-shabaab.

Jimcihii hore, Mareykanka ayaa fuliyay weerar lagu dilay 12 kooxda AlShabaab.

Tan iyo bilowgii sanadkan, Mareykanka waxa uu qaaday guud ahaan shan weerar oo lala beegsaday Al-Shabaab, sida laga soo xigtay AFRICOM, taasi oo muujineysa kororka iskaashiga ka dhaxeeya Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii Janaayo, Mareykanka ayaa sidoo kale Soomaaliya ka fuliyay howlgal ka dhan ah Daacish kaas oo lagu dilay Bilaal Al-Sudani, oo ahaa hogaamiyihii Daacish u qaabilsanaa faafinta fikirka Daacish ee Afrika.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsi ka yimid Pentagon-ka sanadkii hore oo ahaa in ciidamada Mareykanka dib loo geeyo Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.