4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2023
Shir-weyne bulshada reer Hiiraan ay kaga tashanayaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab oo ka furmay Nayrobi
 

Jimco, February, 17, 2023 (HOL) - Shir-weyne beesha Xawaadle ay kaga tashanayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab ayna ka qaybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, ayaa ka furmay Nairobi.

Cabdiqaadir Sheikh Muumin oo ah guddoomiyaha jaaliyadda reer Hiiraan ee Kenya ayaa sheegay, in shirkaan uu ku saabsan yahay aayo ka talinta beel-weynta Xawaadle, iyo sidii loo wajihi lahaa dagaalka gobolka Hiiraan iyo agagaarkiisa ka socda.

Cabdiqaadir wuxuu sheegay jaaliyadda Xawaadle ee Kenya inay door weyn ku leedahay dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab. Wuxuu sheegay in hadda loo fadhiyo sidii dagaalkaas guul dhameystiran looga gaari lahaa.

“Waxaa lagu heshiiyay in gacmaha la is qabsado, midnimadana laga shaqeeyo. Ma ahayn shir lagu kala aragti duwanaa.”ayuu yiri guddoomiyaha Jaaliyadda beesha Xawaadle ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in galabta oo jimco ah shirkan lagasoo saari doono war murtiyeed, isagoo caddeeyay in aysan jirin madax kamid ah beesha oo ka maqnayd shirkan.

Wuxuu tilmaamay in meelo kala duwan la isaga kala yimid, loona midaysan yahay in Shabaab laga ciribiro gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa isna sheegay ujeeddada ugu weyn ee shirkan inuu yahay sidii loosii wadi lahaa dagaalka beesha Xawaadle kagasoo horjeedo kooxda Alshabaab, masiirkana beeshana loogu tashan lahaa.

“Midnimada reerka ayaa lagu adkaynayay. Khawaarijtana sidii loola dagaalami lahaa ayaa iyaduna ahayd talada ugu weyn ee la isugu yimid, maadaama aan 9 bilood dagaal ku jirno," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan waxaa kasoo qeyb galay Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka sare, madaxweynayaashii hore ee Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, xildhibaano labada aqal katirsan, siyaasiyiin hore iyo guud ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan.