4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 17, 2023
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in ciidamada laga dulqaado Laascaanood si ay u dhaqan gasho xabbad joojinta
 

Jimco, February, 17, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku baaqay in ciidamada dul fadhiya magaalada Laascaanood laga dulaado, si ay u dhaqan gasho xabbad joojintii lagu dhawaaqay.

Raysal wasaare Xamse ayaa sidoo kale ku baaqay in la wada hadlo oo reer Laascaanood laga qanciyo  tabashadooda.

Wuxuu shacabka reer Laascaanood ugu baaqay iyagana inay aqbalaan xabbad joojinta, una diyaar garoobaan inay si nabad galyo ah miiska wada hadalka u yimaadaan.

Dhinaca kale, raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhibaatada Laascaanood ku tilmaamay inay lamid tahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Hargeysa sanadkii 1988, xilligaas oo dowladdii milatarigu ay ka geysatay duqayn, dil iyo barakacin.

Xamse wuxuu sheegay in aan la aan aqbali karin in dhibaatadii Hargeysa waqtigaas ku dhacday uu mid lamid ah maamulkoodu ka geysto isla meel kamid ah waqooyiga dalka.

“Suurto gal ma ahan 35 sano kadib in isla dadkii reer waqooyi ee Soomaaliyeed ay arkaan nidaamkoodii oo duqeynaya, oo dilaya, oo qixinaya. Carabta waxaa jirta maahmaah ay leeyihiin oo la yiraahdo xalay iyo caawa isku ekaa.” ayuu yiri Xamse.

Hadalkan ayuu raysal wasaaruhu ka sheegay kulan uu xalay kaga qeyb galay Muqdisho oo looga hadlayay gurmadka dadka ku waxyeeloobay dhul gariirka dalka Turkiga.