4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2023
Sheekh Shariif "Waxa ka socda Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini'aadannimada"
 

Khamiis, February, 16, 2023 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaalka ka socda maalintii 12 oo xariir ah magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in nasiib daro weyn ay tahay dagaalka wali ka socda magaalada Laascaanood ee sababay khasaaraha kala duwan ee isugu jira dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed.

"Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la'aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa'iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beeli beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed. Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini'aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah" ayuu yiri Sheekh Shariif

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dagaalka uu sii kala fogeynayo dadka walaalaha ah, islamarkaana natiijada laga dhaxlayo ay tahay khasaare kala duwan iyo naceyb keenaya in lasii kala fogaado, wuxuuna ku baaqay in talaabo deg deg ah laga qaado cid walba oo qeyb ka ah hurinta dagaalka ka socda Laascaanood.

"Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed. Hadaba, Si loo dabo qabto musiibada ayaan ku baaqayaa" ayuu yiri Sheekh Shariif madaxweynahii hore ee Soomaaliya.

Gabagabadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay afar qodob oo uu tilmaamay iney muhiim u yihiin xal u helida dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo kala ah, in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo joojiyo xabadda, In ciidanka laga dulqaado magaalada, In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan iyo In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.