4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2023
Dagaalo iyo duqeymo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Khamiis, February, 16, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo culus oo is barbar socday oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Afcad iyo Iji oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagaaladaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kooxda Al-shabaab, waxaana lasoo wariyay in dagaaladan oo Shalay galinkii hore ka bilaawday deegaanadaasi ay soo gaareen ilaa Xalay fiidkii, dabadeedna ay ku biireen diyaaradaha dagaalka oo duqeymo culus la beegsaday aagaga ay ka dagaalamayeen kooxda Al-shabaab.

Lama oga ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada ka dhacay Afcad iyo Iji oo lasoo warinayo iney ahayeen kuwa aad u xoogan, islamarkaana geystay khasaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda oo la hadlay warbaahinta gudaha waxay sheegeen in dagaalada ka dhacay Iji iyo Afcad iney jab xoogan ku gaariisiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo deegaanka Afcad waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Afcad oo u dhaxeeya degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.