4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2023
Millateriga Somaliland oo Al Shabaab ku eedeeyay in ay dumineyso Laascaanood

Talaado, February, 14, 2023 (HOL) - Millateriga Somaliland ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ay kula jiraan Al Shabaab, Puntland iyo dhallinyaro caadi fadaysan oo reer Sool ah, isla markaana Al Shabaab ku ku eedeeyay in ay Laascaanood dumineyso.

Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Somaliland ahna Af-hayeenka Ciidanka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madax dhaqameedka gobolka Sool ayna waxba gacanta ugu jirin, oo dagaalka maamulkiisa ay la wareegtay kooxda Al Shabaab.

"Madax dhaqameedka gobolka Sool oo in badan ku baaqay in arrintaa nabadgalyo lagaga wadahadlo waxa muuqata in anay gacanta waxba ugu jirin, oo dhallinyaradii ama dadkii ay xukumayeen ay kala wareegtay Al Shabaab" ayuu yidhi Cabdi Dheere.

Qaybo kamid ah guryaha lagu eedeeyaay in ciidanku beegsaday, ayuu beeniyay, isaga oo sheegay in Al Shaabaab ay dumiso guryaha magaalada oo ay ciidanka  ku eedayso.

"Waxa xaqiiqa oo aanu haynaa in ay Al Shabaab dumiso guryaha Laascaanood dhexdeeda, oo ay hadana tidhaa waxa dumiyay ciidanka qaranka, iyadoo mar walba ay doonaysa in anay nabadi ka aslaaxin Laascaanood" ayuu yidhi Cabdi Dheere.

Waxa uu sheegay in ciidanku uu awoodo in uu  dagaal qorshaysan ku qaado Laascaanood, lakiin uu ilaa hada ka baaqsanayo in magaalada Laascaanood dunto, oo uu tixgalinayo xabad joojintii xukuumadu ku dhawaaqday.

Garaadada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah maamulka magaalada ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay si ula kaca magaalada ula dhaceen madaafiic aan loo aabo yeelin, isla markaana ay dileen dad shacab ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]