4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2023
Wasiir Kayd: Waxan aaminsanahay in xabad joojintu fursad siin doonto wadahadal

Talaado, February, 14, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in xabad joojinta ay xukuumadu ku dhawaaqday ay suuragalin doonto in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo.

Wasiir Kayd oo warbaahinta kula hadlay Afka Ingiriisiga, ayaa sheegay  in xabad joojintu ay suuragalin doonto in khilaafka wadahadal lagu dhameeyo, waxaanu sheegay in Somaliland markasta hesho wado ay arrimaheeda ku xalisato.

"10, 2, 2023 dowlada Somaliland waxay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la'aan ah, waxanan aaminsanahay tani in ay fursad siin doonto wadahadal, dadka reer Somaliland marka waxay helaan wado ay ku xaliyaan khilaaf kooda xasarad la'aan, waana dhaqankayaga" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Waxa uu sheegay in aanu umadina ka badbaadi karin dhibaatooyinka adduunka, ayna tahay qayb kamid ah sunaha nolosha, lakiin dadka reer Somaliland ay yihiin dad adkaysi leh, oo ka gudbi doona dhibaatooyinka, waxaanu shacabka usoo jeediyay in ay u midoobaan in xalka nabad lagu raadiyo.

Xukuumada Somaliland ayaa todobaadkan gudihiisa dhowr jeer ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruuda, lakiin wali dagaalka Laascaanood ayaa soconaya maalintii 9aad oo xidhiidha, isla markaana may hirgalin xabad joojintu, dhinacyada ayuu midba midka kale ku eedaynayaa in aanu daacad ka ahayn xabad joojinta.

Dagaalada ka soconaya Laascaanood ayaa galaaftay nolosha tobanaan qof, iyadoo tiro kale oo intaa kabdanina ay ku dhaawacmeen, sidookale, kumanaan qof ayaa ka qaxay magaalada colaada awgeed.

Beesha caalamka, culimada Soomaaliyeed, wax garadka, iyo qaybo kamid ah madaxda Soomaalida ayaa ku baaqay in colaada wadahadal lagu dhameeyo, taasi oo aan ilaa hada waxba ka suurogalin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]