4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2023
Taliye Sulub "Waa baabi'inay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oran jiray ee CID-da ka Jiray”

Talaado, February, 14, 2023 (HOL) - Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay jirtay cabasho aad u xoogan oo ay dadka shacabka ah ka muujiinayeen howlaha shaqada CID-da ee xarunta magaalada Muqdisho ayaa Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Jenaraal Sulub Axmed wuxuu sheegay inuu xaliyay caqabadahii dadka shacabka ah ka haystay shaqada CID-da.

Wuxuu tilmaamay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed inuu meesha ka saaray guud ahaan waxyaabahii caqabadaha ku ahaa bulshada reer Muqdisho ee loo yaqiinay fududeeyaha lacagaha laaluushka ah kaga dhex qaraaban jiray dadka shacabka ah iyo shaqaalaha CID-da.

“Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray CID waan dhameeynay waxana rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee  ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray, Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyadsan inuu aado. Waa baabii'inay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oran jiray oo dhan” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jeneraal Sulub.

Taliye Sulub ayaa sidoo kale sheegay in bulshada reer Muqdisho aysan la kulmi doonin Maanta kadib cid weydiineysa lacago laaluush ah, islamarkaana uu u taagan yahay waxka qabashada caqabadaha ka jira shaqada hay'addaha ciidanka Booliiska Soomaaliya.

“Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID isagoo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka Booliiska ee meesha jooga” ayuu yiri Jenaraal Sulub Axmed.