4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2023
Baadigoob Caafimaad: Amsterdam illaa iyo Istanbul

 
Isniin, February, 13, 2023 
Sponsored Post

 Waxaad talooyin caafimaad oo bilaash ka heli kartaa halkaan: https://acibademinternational.com/

 

Pieter Storms oo u dhashay dalka Holland ayaa muddo 10 sano ah waxa uu la daalaa dhacayay waxa afka loo yaqaano "Calcification" oo ah Calcium ku aruura qayb ka mid ah jirka. Pieter Storms ayaa dibkaa soo gaaray waxa uu ku baahay laga bilaabo anqawyada ilaa jilbaha iyo sinta. Pieter Storms ayaa wuxuu ahaa nin caan ka dhax dalka Holland, isaga oo soo-saare ka ahaa TVga Holland. Daaweyn uu ka helay Cisbitaalka Acıbadem Altunizade ee magaalada Istanbul ayuu Pieter Storms ku caafimaaday ka dib markii uu Cisbitaalka Caalimiga ah ee Acibadem xaruuntiisa Amsterdam u soo gudbisay xaaladda caafimaad ee Pieter Storms. Waxaana ammaantaas iska leh wada-shaqeynta wanaagsan ee ka dhexeysa xaruumaha caafimaadka ee Acibadem.
 
 

Pieter Storms oo da'diisu tahay 62-Jir ayaa ahaa shaqsi si weyn ugu dhex-jiro cayaaraha, laga bilaabo kubadda cagta, Teeniska iyo Golfiga. Wuxuuna noloshiisa oo dhan ku dhex-jira cayaaraha iyo jir-dhiska. Wuxuuna 10 sano ka hor qaaday cudurka daciifiya xaglaha. Cudurkan wuxuu kaga bilowday anqawyada (ankles), wuxuuna kala kulmay xanuun aad u badan. Pieter Storms ayaa qaliin u tagay waddanka Monaco si uu uga dawoobo xanuunkii hayey. Qaliinkii wuu ku caafimaaday muddu saddix sano ah, laakin cudurkii ayaa dib ugu soo laabtay gaar ahaan jilbihiisa. Pieter Storms oo qaab-nololeedkiisii uu si isdabajooga ah hoos ugu sii dhacayey ayaa wuxuu yiri " Dhabaatada ugu badan ee i haysata waa xaglaha oo is-xiraya isna xoqaya. Tan oo igu sababtay in aan xanuun kala kulmo dhaqaaq walbo oo aan sameeyo. Waxaan dareemaa in aan ahay sidii qof naafo ah. Waxaa waliba isbedelay socodkeygii. Waxaan ahaan jiray ciyaartooy firfircoon oo ka qayb qaata noocyada kala duwan ee ciyaaraha.Tani waxay ii keentay niyadjab saameeyey nolosheyda.
 
Dr Bas Pijnenburg oo ka shaqeeya isbitaalka caalamiga ah Acibadem laantiisa Amsterdam ayaa isaga oo adeegsanya xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya isbitaalada Acibadem ayaa u gudbiyey bukaankiisa Pieter Storms isbitaalka Acibadem ee magaalada Istanbul si halkaas loogu qalo.
 
 

Waxaad talooyin caafimaad oo bilaash ka heli kartaa halkaan: https://acibademinternational.com

Isbitaalka Acibadem oo loo doortay daryeelka caafimaad 

Saadaasha caafimaad ee Peiter Storms oo xanuunkiisu badnaa, ayaa is bedeshay markii Dr. Bas Pijnenburg gacanta ku qabtey oo qaliin ku sameeyey labadiisa jilib bishii Febraayo 2017. Laakiin Peiter Storm xanuunkiisii xaglahu wuu sii jirey, waxana cadaatey in uu u baahan yahey in laga badalo lafta misigta. Pieter wuxuu yiri: Dr. Pijnenburg aya  ii sheegay inaan u baahanaheyey in si degdeg ah la iiga bedelo laf-misigeedka dhinaca midig. Wuxuuna ii sheegay  in qaliinka noocan oo kale ah lagu sameeyo isbitaalka Acibadem Altunizade ee ku yaala Istanbul oo leh qalab cusub oo heerkiisu sareeyo. Qaliinka ka dib, mudo ayaanan u maleyn in lugteydii midig igu taalo, hase yeeshee, nasiib wanaag arrintaas ma sii jirin wax badan oo waan ka bogsadey. Peiter waxa kale oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu muddo saddex todobaad qaliinka ka dib uu ku noqdey inuu ka qeyb qaadan karo ciyaarihii uu xiiseyn jirey. Wuxuuna sheegtay in noloshiisii ay ku soo noqotey sidii markii hore ee uu caamidkiisu fiicnaa. Hase yeeshee wuxuu yiri "waxaan rajeynayaa in ay lugteyda bidix ku immaanin dhibaatadii iga soo martay dhinaceyga midig. Waxayse u muuqataa in aan u baahan doono qaliin laf-misigeed kale."
 
 
 
Pieter Storms oo shaqadiisa ku bilaabay xirfadda wariye, markii dambena uga gudbay soo saare TV, ayaa isaga oo ka hadlaya isbitaalka Acıbadem Altunizade wuxuu yiri: "In kasta oo aan wadamo badan u safray mudadii aaan wariyaha ahaa, wali ma arag isbitaal sidaan oo kale u casriyeysan una raaxo badan. Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha istibaalka ayaa ah kuwa xirfadoodu sareyeso, adeegooduna ku siinayo kalsooni iyo dareen badqab.
 
Wadadii ka bilaabatay Xaruunta Caalamiga ee Acibadem oo ku dhammaatay  Istibaalka Acibadem Altunizade 
 
Xiriirka u dhexeya Dr. Bas Pijnenburg iyo Pieter Storms ayaa soo jiray muddo dheer, soona gaaray ilaa heer saaxibtinimo. Xiriirkaas ayaa wuxuu ku bilowday markii uu Pieter Storms ugu tagay Dr. Pijnenburg la tashi caafimaad isaga oo ka cabanayey xanuun ka soo bilowday jilibka kuna soo faafay misigta, iyo xanuun guud uu jirkiisa ka dareemayey. Dr. Pijnenburg ayaa horayba uga bilaabay qaliin labad jilib ah.  Ka dibna wuxuu ku dayey dawooyin, cirbado iyo jimicsiyo kala duwan (physiotherapy), kuwaas oo aanan natiijo fiican u keenin Pieter Storms, wuxuu go'aansaday in uu qaliin ku sameeyo labada jilib.
 
 
 
“Aad ayuu u horumarsanyahay daryeelka caafimaad ee dalka Turkiga!”
 
Dr. Pijnenburg oo ka hadlaya sababta uu ugu gudbiyey bukaankiisa isbitaalka Acıbadem Altunizade wuxuu yiri  "Isbitaalkani waa casri, wuxuuna leeyey qalab kasta oo dhaqaatiirtu u baahato. Waxaana intaa u sii dheer qolalka qaliinka oo ay yaalaan qalab cusub, qolal bukaan jiif oo raaxo badan iyo goobta jirka lagu duugo (physiotherapy center) oo aad u horumarsan. Shaqaaluhuna waa kuwa aqoontoodu iyo xirfadoodu sareyso, una shaqeeya si hufan.
 
Qaliinka bedelka laf-misigta ee Peiter Storms waxaa sameeyay Dr. Alper Kaya, oo ah takhtar lafo-yaqaan ah oo ku taqasusay dhaawacyada oo jooga isbitaalka Acıbadem Altunizade. Dr. Pijnenburg ayaa isna goobjoog ka ahaa intii lagu guda jiray qaliinka. Dr. Pijnenburg ayaa sidan u sharaxey sababta qaliinka loogu doortey in lagu sameeyo wadanka Turkiga: "Sannadkii 2003, waxaan daraasado ka sameeyay kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hacettepe. Waxaan muddo dheer ogaa in nidaamka caafimaad ee wadanka Turkigu uu marayo heer aad u sarreeya. Waxa kale oo aan la shaqeeyay dhakhaatiirta kale ee u qaybsan lafaha ee ak tirsan Acıbadem Healthcare Group. Waxa kale oon la xidhiidhaa saaxiibo badan oo Turki ah. Waxaan aaminsanahay in bukaanno badan oo ku nool Yurub iyo Bariga Dhexe oo magacyadoodu ku jiraan liiska sugitaanka, ay awoodi doonaan inay mustaqbalka qaliin ku galaan wadanka Turkiga".
 
 

 Waxaad talooyin caafimaad oo bilaash ka heli kartaa halkaan: https://acibademinternational.com/

 
 
Doctor Bas Pijnenburg, wuxuu cadeeyay in isbitaalka Acıbadem Altunizade uu lahaa qayb qaliin oo aan caadi ahayn, taasoo bukaanada iyo takhaatiirtaba raali ka noqonyayeen. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in uu qaatay go,aan sax ah oo uu ku doortay Isbitaalkaas, marka laga fiiriyo, wanaaga shaqaalaha, dhismaha, aqoonta iyo farsamadaba.    
 
Isbitaalka Acıbadem Altunizade iyo Xaruunta Caalimga ee Acibadem oo labaduba ah xaruumu caafimaad oo cusub kuna soo biiray hay’adda weyn ee (Acibedam Group) oo daryeel caafimaad bukaanada gudaha dalka Turkiya iyo kuwa dalalka dibadda. Xaruunta Caafimaadka Caalamiga ee Acibedam waxaa laga furay magaalada Amsterdam bishii May ee sanadkii 2017  si uu adeeg caafimaad oo heer sare  u siiyo galbeedka qaaradda Yurub. Xaruuntaan laga furay dalka Holland ayaa ah xaruuntii 42baad ee uu isbitaalka Acibedam furo, isbitaaladaas ayaa ku kala baahsan shan (5) wadan.
 
Waxaad talooyin caafimaad oo bilaash ka heli kartaa halkaan: https://acibademinternational.com/