4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 13, 2023
Toogasho si weyn loo hadal haayo oo Maanta ka dhacday magaalada Jowhar
 

Isniin, February, 13, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho Maanta nin hubeysan uu ka geystay afaafka hore ee Maxkamad ku taala magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Ninka hubeysan ayaa la sheegay inuu dilay laba nin oo ku eedeysna dilka wiilkiisa oo da'diisa lagu sheegay sadax sano jir oo dhowr habeen ka hor meydkiisa laga helay Xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.

Ninkaan toogashada ku dilay labada nin ee ku eedeysna dilka wiilkiisa yar ayaa la sheegay inuu ka tirsana ciidanka dib u xureyta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ee ka howlgala deegaanada Hirshabeelle.

Toogashada uu geystay ninkaan ka tirsana Macawiisleeyda Shabeellaha Dhexe ayaa timid kadib markii ay Maxkamada kasoo baxeen labada nin ee ku eedeysnaa dilka wiilkiisa ayna Maxkamadu sheegtay in xukunka labada eedeysane dib kasoo sheegi doonto, hayeeshe arintaasi uu ka carooday ninkan hubeysna taasoo keentay inuu isla goobta ku toogto labadii eedeysane.

Ninkaan geystay toogashada ayaa la soo wariyay inuu toogashada kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka magaalada Jowhar oo ku aadan dhacdadaan oo maanta si weyn looga hadal haayo magaalada Jowhar.