4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 13, 2023
Culimada Somaliland oo baaq kasoo saaray collaada Laascaanood
 

Isniin, February, 13, 2023 (HOL) - Culimada  waa wayn ee Somaliland ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Laascaanood, isla markaana miiska wadahadalka layskugu yimaado.

Culimadu waxay sheegeen in dhiiga qofka mislim ka ah oo la daadiyaa uu xaaraan yahay gaar ahaan bilahan aynu ku jirno oo ah bilihii xurmada lahaa, "Culimadu waxay xasuusinayaan labada dhinac in dhiiga muslinka oo la daadiyaa uu xaaraan yahay,  iyada oo lagu jiro bilihii xurmada lahaa ee Rajab".

Culimadu waxay taageereen adkaynta iyo hirgalinta xabad joojinta iyo wixii khilaaf ahna lagu dhameeyo wadahadal iyo wadaxaajood, waxay sheegeen in dagaalka aan laga faa'iidin khasaare mooyaane.

Culimadu waxay bahda warbaahinta iyo dadka baraha bulshada isticmaala ugu baaqeen in ay Alle ka cabsadaan oo ay iska hubsadaan wararka ay faafinayaa, ayna ka baaqsadaan hurinta collaada, sida baaqa culimadu u dhignaa.

Sidookale, qurbajooga Soomaaliyeed ayay ugu baaqeen in ay ka qaybqaatan adkaynta nabada, iyagoo sheegay in ay ka culimo ahaan diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan daminta collaada.

Bulshada Soomaaliyeed ayay sidookale, ugu baaqeen in ay ka qaybqaataan gargaarka loo fidinayo dadka shacabka ah ee ku barakacay xasarada ka taagan Laascaanood.

Ugu danbayn, waxay sheegeen in dadka reer Somaliland yihiin dad walaalo ah, isla markaana loo bahanyahay in collaada anay cid danbe ku dhiman oo la joojiyo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]