4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2023
Kenya oo arday u dhashay dalkeeda iyo kuwa Soomaali ah kasoo daad guraysay Suudaan

Talaado, April, 25, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa muwaaadiniin dalkeeda u dhashay iyo kuwa kasoo jeeda Soomaaliya waxay kasoo daad guraysay dalka ay colaaduhu aafeeyeen ee Suudaan.

Dadkan oo ahaa ardayda wax ka baranaysay jaamacadaha kuyaala dalka Suudaan, ayaa xalay diyaarad milatari waxay ka dajisay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya.

Tirada lasoo daad gureeyay oo ahaa 39 qof ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Ducaale.

39-ka qof ee lagasoo qaaday Suudaan waxay ahaayeen, 19 Kenyan ah, 19 Soomaali ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya.

Ardaydan ayaa safar dhanka dhulka ah ku aaday dalka Koonfurta Suudaan, halkaasi oo ay ka raaceen diyaaradii milateri ee ka soo duushay Nairobi si ay u soo qaado.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in ardaydan ay wax ka baranayeen jaamacad caalami ah oo ku taalla dalka Suudaan.

Si kaste ha ahaatee, dowladaha adduunka ayaa dadkooda ka daad guraynaya dalka Suudaan, halkaas oo uu dagaal culus ka dhex marayo milatariga Suudaan.

Soomaalida dalkaas ku sugnayd ayaa badi u cararay dhinaca xuduudka Ethiopia, halkaas oo safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia ay ku qaabilaysay, iyadoo la geeyay Addis Ababa.