4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo shatigii kala laabtay hotelo iyo maqaayado lagu iibiyo waxyaabaha anshaxa kasoo horjeeda
 

Talaado, April, 25, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa.

Go’aankaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kaddib markii maamulka gobolka Banaadir uu sameeyay howlgal ka dhan ah goobahan, isagoo maamulku sheegay in aanan loo dulqaadan karin wuxuu ugu yeeray dhaqan xumada sii kordhaysa ee ka jirta goobaha uu maamulku howlgalka ka sameeyay.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Dheere, ayaa sheegay in shatiga lagala laabtay dhammaan maqaayadaha iyo huteellada ka ganacsada daroogada, kuwaas oo uu sheegay in laga diiwaan galiyay falal isugu jira dilal iyo dhac dadweyne.

Afhayeenku wuxuu sheegay in si qaldan loo turjumay muuqaallo lagu baahiyay internetka oo uu sheegay in lagu marin habaabinayo howlgallada lagula dagaalamayo waxyaalaha lidka ku ah anshaxa suuban ee bulshada.

Wuxuu sheegay afhayeenku howlgalladan inay ku yimaadeen cabashooyin badan oo ka yimid bulshada, kuwaas oo ka cabanaya xarumaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.