4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2023
Duqa Muqdisho oo faahfaahin ka bixiyay muqaal laga duubay oo si weyn u qabsaday baraha bulshada

Axad, April, 23, 2023 (HOL) - Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sharaxaad ka bixiyay muqaal si weyn baraha bulshada u qabsaday saacadahii lasoo dhaafay.

Muqaalka ayaa muujinaayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ul ku garaacaya dhalinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho ku wada sugnaa goob ku taala xeebta liido oo la tilmaamay in lagu tunto.

Madaale ayaa sheegay in masuuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho.

“Magaaladan waxaan u rabnaa Xasilooni, Horumar, Bilic iyo Dhaqan wanaagsan, sidaas darteeda ma aqbali doono wax kaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban, Waxaana mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbal dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo" ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Muqaalka qabsaday baraha bulshada ayaa laga duubay guddoomiyaha gobolka Banaadir Xalay xili uu hoggaaminaayay howlgal lagu xiraayay goobtaan lagu tunto ee ku taala xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Gabagabadii duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka go’an tahay in albaabada la isugu dhufto goobaha lagu iibiyo laguna isticmaalo walxaha maanka dooriya oo uu xusay iney dhibaato ku yihiin amniga iyo degenaashaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.