4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2023
Maxamed Cabdi Waare "Shabaab oo Malaayiin doolar ku bixineyso qorshe ka dhan ah Cali Jeyte"

Axad, April, 23, 2023 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Xasilinta iyo arrimaha rayidka goobaha laga xureeyay kooxda Al-shabaab Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay la damacsan tahay kooxda Al-shabaab guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Maxamed Cabdi Waare ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Ururka Al-shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu xusay iney ku bixineyso kooxda lacag Malaayiin doolar ah.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Mudane Waare ayaa sidoo kale xusay in xil ka qaadista guddoomiye Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka ee  uu hormuudka ka yahay guddoomiye Cali Jeyte.

“Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte” ayuu yiri Waare.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle haatana ah Ergayga gaarka ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xasilinta iyo arimaha rayidka ee deegaanada laga xureeyay Shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay guddoomiye Jeyte iyo madaxda Hirshabeelle, kaasoo salka ku haayo Canshuurta gobolka Hiiraan in lagu shubo qasnada Wasaaradda Maaliyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.