4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 22, 2023
Fannaankii caanka ahaa ee Cumar Xasan Rooraaye oo Hargaysa ku geeriyooday

Sabti, April, 22, 2023 (HOL) - Cumar Xasan Rooraaye oo kamid ahaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee aad ka loo jecelyahay ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Fannaanka oo 30 kii sanno ee u danbeeyay ku noolaa magaalada Hargaysa, ayaa geeriyooday sida uu baahiyay muuqbaahiyaha ku hadla afka xukuumada Somaliland.

Rooraaye ayaa fanka ku biiray sannadkii 1965 isaga oo kamid noqday kooxdii Xooga Dalka, kadibna waxa uu uga sii gudbay kooxda Horseed, kadibna isaga iyo kooxdii Horseedba waxay ku bireen kooxdii waynayd ee Waabari sannadkii 1974.

Fannaanka ayaa lagu xasuusta heesaha kala ah Wiil waal, Dhirtu kala udgoon badan, Maxa ii dane aan dooniye adi iiga daran, Talo mudan, iyo kuwo kale oo badan, waxaana uu kasoo muuqday riwaayado badan oo caan ah.

Hablaha uu heesaha la qaaday waxa ugu caansan Khadra Daahir Cige, Aamina Cabdillaahi, Saynab Xaaji Cali Baxsan, Xaliima Khaliif Cumar Magool, Sahra Siyaad iyo qaar kale.

Rooraaye ayaa fanka ku jiray muddo ka badan 50 sanno, wuxuuna fankiisu ugu fiicnaa sannadihi todobbaatanaadkii iyo sideetamaadkii.