9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka golaha loo dhan yahay ee Qaraamda Midoobay

Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan shirka QM.

Afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raysal wasaaruhu uu shirka golaha QM horgayn doono isbeddelada Soomaaliya ku sameysay dhimista farqiga, kobaca dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Afhayeenka wuxuu sheegay, raysal wasaaruhu in Qaramada Midoobay ka codsandoono in Soomaaliya laga taageero dib u dhiska ciidameeda qalabka sida, iyo in laga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran, taasoo uu sheegay inay Soomaaliya ka caawinayso in amnigeeda uu hagaago.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay qeyb ka qaadanayso isbeddel iyo dib u habayn lagu sameynayo hay’adaha adduunka sida Qaramada Midoobay.

Shirka golaha Qaramada Midoobay oo dhawaan loosoo gudbiyay qiimaynta wajiga labaad ee bixitaan ATMIS, ayaa lagu wadaa in golaha ammaanku uu qaraar kasoo saaro bixitaanka wajiga labaad ee ATMIS.












Click here
9/17/2023 10:53 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee ururka G77+China oo mudo laba maalmood ah ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

9/17/2023 10:23 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka deyn cafinta Soomaaliya oo maraya dib u eegistiisii 6-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee hannaanka IMF ee loo yaqaano (ECF).

9/17/2023 7:51 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Maxamed Aweys ayaa faahfaahin ka bixiyay howgallada dalka ka socda ee Shabaab looga xoraynayo Galmudug iyo Hirshabeelle.

9/17/2023 2:33 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Booco oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

9/17/2023 1:20 AM EST
Axad, September, 17, 2023 (HOL) - Ciidanka Xogga dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.