12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dab khasaare xoogan geystay oo ka kacay Suuq ku yaala degmada Xamarweyne
 

Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo geystay khasaare badan oo Xalay ka kacay suuqa Xamarweyne, gaar ahaan qeybta Masjidka Marwaas, kaasoo markii dambe ku fiday qeybo kale oo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo Suuqa Hilibka.

Dabka oo in la damiyo qaatay saacado badan ayaa waqti dambe waxaa suurtagashay in damintiisa ay ku guuleystaan maamulka gobolka Banaadir, dadka deegaanka iyo shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo iskaashanaya.

Dabka ayaa waxaa ku gubtay goobo ganacsi oo farabadan, wuxuuna geystay khasaare hantiyadeed oo baaxad oo aanan la shaacin inta uu dhan yahay.

Mid ka mid ah ganacsatada dukaankiisa Xalay dabka ku basbeelay oo lagu magacaabo Bukhaari oo ah Milkiilaha Carwa Xul Style ayaa sheegay in dabkan uu ku waayay hanti ku dhaw 50 kun oo doolar.

“Xul Style dadku inta badan way wada garanayaan waxaan iibin jirnay dharka dumarka  noocyadiisa kala duwan hal shey lagama bixin dukaanka, lacagta ku jirtay xaqiiqatan waa ku dhowdahay 40 kun oo dollar” ayuu yiri Milkiilaha Carwa Xul Style.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseem Jimcaale Madaale oo goobta gaaray ayaa sheegay in guddi ay u xilsaari doonaan dhibaatada ka dhalatay dabka, isagoona u tacsiyeeyay ganacsatadii ku hanti beeshay dabka xalay ka kacay gudaha suuqa degmada Xamarweyne.

“Dadaal dheer oo la sameeyay kadib waa lagu guulaystay in la damiyo dabka waxaan aad iyo aad ugu mahadcelineynaa hay’adihii amniga oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay, sidaas oo kale waxaan u mahadcelineynaa Hormuud oo qaybteeda ka qaadatay oo isla markii soo dirtay dab damisyo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Wali si rasmi ah looma ogaan sababta keentay dabkaan Xalay ka kacay suuqa Xamarweyne, waxaana xusid mudan in inta badan suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho uu dab ka kaco xilliyada habeenkii ah, kaasoo dhaliya khasaarooyin baaxad leh.












Click here
11/18/2023 11:12 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay saameynta ka dhalatay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baledweyne.

11/18/2023 3:58 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada hoos yimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa heshiis lagu gaaray in hay’adaha amnigu soo qabtaan qofkii qof dila, laguna fuliyo xukunka shareecada.

11/18/2023 3:46 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland, Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu shalay saxaafadda kasii daayay madaxweyne Deni, kaasoo ahaa inuu cafis fidiyay sarkalkan iyo ciidankiisa.

11/18/2023 2:52 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu soo bandhigay boqolaal ciidamada deegaanka ah oo loo diyaariyay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

11/18/2023 1:57 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa geeriyooday kadib markii ay ku qarqoomeen bada Berbera shalay galabtii.

11/18/2023 1:24 AM EST
Sabti, November, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii ugu horraysay sheegay in uu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod.