4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 6 , 2023
Weerar lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Sabti, May, 6, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan ay Xalay ka geysteen tuulada Indha keyd oo ku taala Waqooyi gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad xoolo dhaqato ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa sadax ruux ayaa ku dhimatay weerarkaan ay geysteen Maleeshiyaadka hubeysan, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ku sugan.

Kooxaha weerarka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay ku dileen dadka xoolo dhaqatada ahaa, waxaana dhacdaasi ay dhalisay xiisad haatan si weyn looga dareemayo tuulada Indha keyd oo hoostagta deegaanka Huurshe.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dadkan shacabka ah ee Xalay lagu dilay tuulada Indha keyd ee gobolka Galgaduud.

Deegaanada gobolka Galgaduud, gaar ahaan Waqooyiga gobolkaasi waxaa inta badan ka dhaca weeraro noocaan oo kale ah oo salka ku haayo aanooyin qabiil, kuwaas oo kusoo laablaabtay gobolka Galgaduud.