4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Puntland: Muran weli ka taagan arrimaha doorashada xilli ay ka harsan tahay 24 saac wax ka yar
 

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Iyadoo 24 saac wax ka yar ay ka harsan tahay doorashada golayaasha deegaanka Puntland, ayaa koox dabley ah waxay weerar ku qaadeen sanaadiiq doorashada oo loo waday degmada Burtinle iyo degaano hoos yimaada.

Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo shalay Isimada iyo nabadoonada gobolka Nugaal ay xal ka gaareen khilaafkii arrimaha doorashada.

Ciidamada gadoodsan ayaa qorshuhu ahaa inay xalay isaga baxaan goobaha ay xirteen, arrintaan oo keentay in guddiga doorashada uu isla xalay fasaxay qalabka doorashada ee harsanaa.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada dhexdooda isku khilaafeen go’aanada soo baxay.

Qaar kamid ah ayaa la sheegayaa inay diiddan yihiin in wax doorasho ah la qabto.

Dhinaca kale, Puntland ayaa aad u adkaysay amniga doorashada, iyadoo la howlgaliyay in ka badan 6kun oo askari oo ilaalinaya amniga goobaha doorashooyinku ka dhacayaan, si looga hortago amni darro kaste.

Laamaha amniga oo hadda shir uga socdo magaalada Garowe ayaa ka tashanaya jawaabta ay hay’daha amnigu ka bixinayaan haddii mar kale  la carqaladeeyo howlaha doorashada.