6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 23, 2023
Xiisad dagaal oo Maanta ka taagan degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda
 

Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta halkaasi ay ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda.

Xiisada colaadeed ayaa laga dareemaya duuleedka degmada Wanlaweyn, taasoo daba socota dagaal bilaawgii todobaadkaan ka dhacay deegaanka Yaaq bariweyne oo ay ku dhinteen dad gaaraya 10 ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dagaal beeleedka labadaan maleeshiyo u dhaxeeya ayaa ah mid salka ku haaya murun dhuleed oo u dhaxeeya mudo aad u dheer labadaan maleeshiyo beeleed, waxaana Maanta jirta cabsi laga qabo inuu markale qarxo dagaal dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed oo lasoo warinaayo iney is horfadhiyaan.

Labadaan Maleeshiyo beeleed ayaa tiro dhowr jeer oo hore ku wada dagaalamay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Yaaq barweyne.












Click here
5/23/2023 10:54 AM EST
Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka hormartay dekedda wayn ee Mombasa ee dalka Kenya sida lagu sheegay qiimayn uu sameeyay Bangiga Adduunka.

5/23/2023 7:56 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Sharma el-Sheekh kaga qayb-galay shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

5/23/2023 7:31 AM EST
Talaado, May, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in xasarado ka taaganyihiin badanka gobolada Somaliland.

5/23/2023 2:03 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Isimada iyo nabadoonada gobolka Nugaal ayaa xal ka gaaray khilaaf ka taagnaa doorashada golayaasha deegaaanka Puntland, khilaafkaas oo dhaliyay dhimasho iyo qalalqal ku yimid amnigii Garowe.

5/23/2023 1:54 AM EST
Talaado, May 23, 2023 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaa-meedsaday kooxda Al-Shabaab, ka fuliyay degmada Jilib, May 20, 2023.