4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2023
Xasan Shire Abgaal : Waxaan ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalata inuu madaxweyne Deni dastuurka furo
 

Jimco, May, 12, 2023 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa uga digay madaxweyne Deni inuu furo dastuurka ama uu dib u dhigo doorashada madaxweynaha ee 2024.

Xasan Shire Abgaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu qaadi doono cawaaqib xumada ka dhalata haddii isku dayo inuu qaado tallaabooyin mugdi galin kara doorashada siddeeda January, 2024.

Xasan Shire wuxuu sheegay siyaasiyiinta mucaaradku in aysan kasoo horjeedin doorashada dowladaha hoose ee dhawaan Puntland ka qabsoomaysa, hase ahaatee wuxuu sheegay inay diidan yihiin in dastuurka la furo ama muddo kororsi uu sameysto Deni.

“Cid kaste oo wax garanaysa waxaan ka codsanaynaa inay Siciid Deni miiska wada hadalka keenaan, lagana wada hadlo labada qodob ee la isku hayo, labadaas qodob oo ah, dastuurka iyo 8-january. Haddii labadaas qodob laga wada hadlo, cid Council haysataa ma jirayso,” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

Ugu dabayn wasiirkii hore ee maaliyadda waxa uu sheegay inay Puntland u baahan tahay badbaado, isagoo sheegay in dhammaan hay’adihii caalamiga ahaa inay joojiyeen mashaariicda ay ka wadeen Puntland.