4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 10, 2023
Kenya oo gacanta ku dhigtay saddex nin oo u socday inay ku biiraan Daacishta ku sugan Puntland

Arbaco, May, 10, 2023 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa qabatay saddex nin oo la sheegay inay kusii jeedeen gudaha Soomaliya, si ay ugu biiraan ururka Daacishta ku sugan Soomaaliya.

Dacwad ayay dowladda Soomaaliya ka gudbisay saddexdan nin oo la qabtay xilli ay u socdeen in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta Puntland, taasoo daboolka ka qaadaysa saameynta kooxaha argagixisada ah ee ku soo badanaya Afrika.

Labo nin oo walaalo ah oo lagu magacaabo Ayub Bwanaadi, 32 jir ah, iyo Mohammed Bwanaadi, 22 jir ah iyo sidoo kale Kassim Ahmed, oo 29 jir ah ayaa lagu xiray Ismaamulka Isiolo 7-dii April iyaga oo la socday bas ku sii jeeday Mooyaale oo ay wateen Ciidanka la dagaalanka Argagaxisada (ATPU).

Saddexdan qof ayaa baxsad ka ahaa booliska kadib markii lagu soo oogay dambiyo, waxaana lagu tuhunsan yahay inay dambiyo ka geysteen gobolka Lamu oo ay ka soo jeedaan.

Kadib waxaa la soo taagay maxkamada sharciga ee Kahawa 11-kii April, halkaasi oo booliska loo qabtay muddo 30 maalmood ah in ay ku sii hayaan inta ay baaritaanada ku wadaan.

Intii lagu guda jiray su’aalo weydiinta, seddexda qof ayaa sheegay in ay ka soo safreen Tanzania, una socdeen xaafadda Islii ee Nairobi, ayna u sii gudbi lahaayeen Itoobiya ka hor inta aysan aakhirka u gudbin Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda Daacish.

Saddexda nin ayaa intii ay su’aalo weydiinayeen booliiska u sheegay in qorshaha ku biiritaanka Daacish ee Puntland uu ka dambeeyay Ali Omar Bwanadi oo Ayub iyo Maxamed la dhashay, booliisku waxay rumeysan yihiin inuu hadda ku sugan yahay Morogoro, Tanzania.

Cali ayaa Kenya uga soo baxsaday dalka Tanzania, kadib markii uu ogaaday in Booliska ay baadi goobayaan, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka saraakiisha ammaanka iyo saraakiisha dowladda ee gobolka Lamu.

Booliska ayaa rumeysan in saddexda nin ay doorteen in ay u baxsadaan dhanka Puntland, si ay ugu biiraan Daacishta sadlhigyada ku leh gobolka Bari.