4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2023
Barlamaanka Soomaaliya oo maanta meel mariyay sharciga la dagaalanka argigixisada
 

Arbaco, Maarso, 8, 2023 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga la dagalaanka Argigixisada, sharcigaas oo la sheegay inuu barlamaanku ku sameeyay dib u eegis.

Tiro 133 xildhibaan ah ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay sharcigan meel marintiisa, iyadoo saddex kalena ay diideen, halka 7 kalena ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo shir guddoominayay kulankan, ayaa sheegay, in sharcigaan  laga beddelay qodobo u baahnaa in faafreeb lagu sameeyo, si loo kala saaro cidda ah argagaxiso.

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka mahad celiyay ansixinta hindise sharciyeedka La-dagaallanka Argagixisada.

Waxay sheegeen inuu barlamaanka 11-aad meel mariyay sharci muhiim u ah ka hortagga iyo dabar goynta waxa loogu yeero kooxaha argagaxisada Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku aamananyahay ansixinta sharcigan maadama marar badan la horkeenay baarlamaanadii iyaga ka horreeyay.