4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2023
Weerar qaraxyo culus ku bilaawday oo ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose
 

Talaado, Maarso, 7, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Xero deegaankaasi ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Weerarka qaraxyada ku bilaawday ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamadii ku sugnaa Saldhiga Janaay cabdalle iyo dagaalamayaashii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu ahaa dagaalka mid aad u xoogana oo socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka saakay aroortii hore ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Deegaanka Janaay Cabdalle oo ah deegaan muhiim ah ayaa u dhaxeeya magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadoow waxaana horay halkaasi uga talin jiray kooxda Al-shabaab, ka hor inta aysan la wareegin ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland dhamaadkii bishii Janaayo ee sanadkaan 2023.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku shaacisay iney cagta marisay Saldhiga oo khasaare badan gaarsiiyeen ciidamadii ku sugna gudaha Saldhiga deegaanka Janaay Cabdalle, hayeeshee majirto ila madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaan qaraxyada ku bilaawday ee saakay ka dhacay Saldhiga deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.