4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2023
Garaad Jaamac: Gooni-isu taaga Somaliland macquul maha, waa danbi
 

Isniin, March, 6, 2023 (HOL) -  Garaad Jaamac Garaad Cali oo gadhwadeen ka ah dhaqdhaqaaqa Somaliland lagaga soo horjeedo ee ka socda magaalada Laascaanood, ayaa markale ku baaqay in ciidamada Somaliland ka baxaan deeganada ay dagaan beelaha uu madaxda u yahay.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo waraysi gaar ah siiyay Maxamed Yuusuf Bakayle, ayaa sheegay in Somaliland anay ka go'ayn Soomaaliya, isaga oo sheegay in doorashada kali ah ee Somaliland haysataa ay tahay in ay wax la qaybsato dowlada Soomaaliya.

"Waxa laysku dilayay waxay ahayd kala go'a, kaasina maaha dookh yaala oo dariishada ayuu ka baxay, dookha yaalaa waxa weeyaan sidee dowlad Soomaaliyeed oo wacan loo hagaajisan karaa ee loo dhisan karaa" ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaadku gooni-isutaaga Somaliland ayuu ku tilmaamay wax aan suuragal ahayn iyo danbi "Wax gooni-isutaag la yidhaahdaa ma jiro macquula maaha, dowladii Soomaaliya ayaa u tudhaysaye danbi ayay ahaan lahayd".

Garaadku waxa uu sheegay in talada midnimada beeshiisu iyo halganka ay Somaliland kaga soo horjeedaan, ay ka timid shirkii uga qabsoomay magaalada jigjiga, halkaana ay kusoo lafa-gureen talada ay hada ku shaqaynayaan.

Waxa uu markale ku baaqay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan gobolka Sool, isaga oo ku andacooday in ay ciidamada siiyeen jid ay ku baxaan, wuxuuna dhanka kale sheegay in aanu wadahadal suuragal ahayn inta madaxweyne Biixi uu Somaliland gadh-wadeenka ka yahay.

Garaadku waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland aanu dhagaysanayn talooyinka waxgaradka, isla markaana uu ka baqanayo in dhibaatadu ay intaa ka siibadato.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]