4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2023
Wasiir kii hore ee maaliyada Soomaaliya oo kasoo dagay madaarka Cigaal ee Hargaysa
 

Axad, Maarso, 5, 2023 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Cabdiaraxmaan Du’caale Bayle, ayaa galabta ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa kadib markii madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay.

Bayle oo ahaa wasiirka maaliyada xiligii dowladii Farmaajo, ayaa la sheegay in uu cafis kasoo dalbaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida darteedna loo ogolaaday in uu kusoo laabto Somaliland oo uu kasoo jeedo.

Wasiir Bayle ayaa kamid noqonaya madax iyo masuuliyiin Somaliland kasoo jeeda oo hore xilal uga soo qabtay xukuumada Soomaaliya, kuwaasi oo markii danbe isku soo dhiibay xukuumada Somaliland, kadib markii ay cafis soo dalbadeen.

Maasuuliyiinta Somaliland dib ugu soo noqday waxa ugu danbeeyay ra'iisal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Mustafe Qodax oo ka tirsanaan jiray Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa la sheegaa in uu hanti ku leeyahay magaalada Hargaysa, waraysi uu bixiyay kadib markii uu ka dhamaaday xilka wasiirka maaliyada, ayuu ku sheegay in uu rabo in uu Somaliland kusoo laabto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]