4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh: Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa
 

Sabti, Maarso, 4, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay shirarka beeluhu qabsanayaan in aysan xal u ahayn tabashada ay ka qabaan Dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa caddeeyay in tabashooyinka beeluhu ay fursad siinayaan kooxda Alshabab, sidoo kalena ay yihiin hadafka Alshabaab ee ah in Dowladda iyo dadka iska hor yimaadaan.

Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay tabasho kaste oo la qabo in loo baahan yahay in lagu dhex xalliyo Dowladda dhexdeeda, wuxuu sheegay cid kaste inay wakiil ku leedahay hay'adaha dowladda.

“Tabashada beeluhu xal keeni mayso ama idaacad ka qeyliya ama dibadda dalka uga baxa. Waxa ugu dambeeya ee ay dhalayso waa inaan Shabaab ka mashquulno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa yimid iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay qaar kamid ah beeluhu ka cabanayeen habka wax qeybsiga Dowladda.