4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2023
Madaxweyne Ruto: Soomaaliya iyo Itoobiya waxay u badan tahay inay ku biiraan EAC

Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Madaxweyne William Ruto ayaa bogaadiyay horumarka ay bulshada Bariga Afrika ku tallaabsatay tan iyo markii la aasaasay ku dhawaad 25 sano ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in la joogo waqtigii dib loo eegi lahaa heshiiska si loo waafajiyo isbeddelada casriga ah.

Waxa uu sheegay in EAC ay ku bilaabatay saddex xubnood oo ka kooban Kenya, Uganda iyo Tanzania, balse wixii xilligaasi ka dambeeyay ay noqdeen 7 xubnood.

Wadamada ku biiray urur goboleedka markii la aasaasay ayaa kala ah Rwanda, Burundi, South Sudan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

“Soomaaliya waxay u badan tahay inay ku biirto marka la dhammeeyo qiimeynta. Waxa kale oo jirta in Itoobiya iyo Suudaan ay ku biiri karaan EAC,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya.

Isagoo ka hadlayay mar uu la kulmay afhayeenka golaha sharci dejinta ee Bariga Afrika (EALA), Mr Joseph Nkakirutimana, oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Nairobi, madaxweyne Ruto ayaa tilmaamay in ururku uu sidaas darteed, uu ku qasban yahay inuu dhiso awood ku filan oo ay u baahan yihiin urur goboleedka weyn.

"Waa waqtigii la eegi lahaa heshiiska, gaar ahaan luqadaha lagu isticmaalo EALA. Dabcan, Kiswahili waxay sii wadi doontaa inay door weyn ka ciyaarto golaha,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.