4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 16, 2023
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka horumarinta gaadiidka adduunka
 

Khamiis, Maarso, 16, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirka horumarinta gaadiidka adduunka oo uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka.

Wasiir Fardowsa ayaa kulanka ku soo bandhigtay caqabadaha ka haysta gaadiidka iyo horumarinta Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka waxay sheegtay in dagaallada, colaadaha, saameynta cimilada iyo Covid-19 ay dib u dhigeen geeddi-socodka gaadiidka Soomaaliya.

Wasiir Fardowsa ayaa la filayaa in inta ay ku sugan tahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ay kulamo kala duwan la qaadato qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirkan.

Bankiga adduunka ayaa sheegay in shirkaan oo sanadkii mar la qabto la isku dhaafsado macluumaadka dhinacyada horumarinta gaadiidka iyo waddooyinka waaweyn ee laamiyada iyo garoomada diyaaradaha.