4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2023
Wasaaradda isgaarsiinta Soomaaliya oo digniin ujeedisay shirkadaha isgaarsiinta
 

Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa uga digtay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka in ay ka gudbaan meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta.

Wasaaradda ayaa go’aankan ku sheegtay shir ka dhacay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaas oo looga hadlayay wax ka qabashada xadgudubyada ka dhaca shirkadaha isgaarsiinta dhexdooda.

Wasaaraddu waxay caddaysay in tallaabo sharciga waafqsan laga qaadayo shirkaddii lagu helo faragelinta qalabka raadiyaha ama adeegyada kale ee shirkadaha isgaarsiinta dalka.

“Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo,” ayay tiri wasaaradda isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha Isgaarsiinta ee lagu tuhmo in ay sameyaan Faragelin lagu cuuryaaminayo adeegyada shirkadaha kale.