4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 6 , 2023
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo sharci daro ku tilmaamay dacwada ay xukuumadu ka gudbisay

Talaado, Juun 6, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka falceliyay dacwada xil ka qaadista ah ee xukuumadu ka gudbisay, ayaa ku tilmaamay dacwad aan qiimo sharci lahayn.

Qoraal uu guddoomiyuhu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in dacwada xukuumadu gudbisay ay tahay mid sharciga baal marsan oo aan mudnayn in laga jawaabo.

"Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wax qiime Sharci ah ma laha waxaanu baal marsan yahay dastuurka dalka iyo dhamaan xeerarka dhaqangalka ah mana mudna inaan ka jawaabo" ayaa lagu yidhi qoraal uu Khaliif ku baahiyay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaa raaciyay in shaqada xil ka qaadista ay leeyihiin golayaasha baarlamaanku "Waana arin jawaabteedu u taalo guud ahaan Golaha Baarlamaanka ee awoodahooda Iyo xasaanadooda lagu xadgudbay" ayuu yidhi Khaliif.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ayaa maxkamada sare u gudbiyay dacwad uu ku dalbanayo in guddoomiye Khaliif xilka laga qaado.