4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 1 , 2023
Faysal Cali Waraabe:Doorasho ururo oo dhacaysa ma jirto
 

Khamiis, Juun, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in mucaaradku anay gali doonin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn.

Waxa uu sheegay in anay suuragal ahayn in doorashada ururada laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, sida ay xukuumadu doonayso.

"Horta doorasho ururo dhicimayso, nin ka doorasho urur doonayow reerkiinu haduu kuu codeeyo yaa kale kuu codaynaya, suurtagalna maaha, sharcina maleh, adduunkana kama dhacdo" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu aanay gali doonin doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada "Labada xisbi mucaarad iyo taageerayaashoodu go'aan ayay soo saareen ay leeyihiin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn gali mayno".

Waxa uu sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Biixi anay ahayn mid sharci ku dhisan, oo anay heshiis ku ahayn axsaabtu, waxaana uu ku andacooday in heshiis dhexmara iyaga iyo xukuumada uun ay sharci ku noqonayso.

"Somaliland adiga ayaa dabada haya hadii aynaan dhexdeena ka heshiinin oo aynaan wax ku heshiinin, waxad kaligaa wadi kartaa ma jirtee dalka uun baad khatar galinaysa" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu madaxweynaha ka codsaday in uu la kulmo si ay iskula eegaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taaganyahay.