4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Dowlad degaanka Soomaalida oo sheegtay inaanu khusaynin dowladda, shirkii jaraa'id ee maanta uu qabtay Cali Samire Sigad

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - War goor dhawayd kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in War saxaafadeedkii uu maanta qabtay Cali Samire Sigad uu ahaa mid aan khusaynin dowladd degaanka Soomaalida.

Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegay in Cali Samire Sigad xil ka qaadis lagu sameeyay maalinimadii shalay, sidaas darteed uu sharci darro yahay shirkii jaraa'id ee uu maanta qabtay, waa sida lagu xusay warka goor dhawayd kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida.

Sidoo kale Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida ayaa ku tilmaamay mid sharci darro ah shirkii jaraa'id ee uu qabtay Cali Samire Sigad maanta, maadaama shalayba xilka laga qaaday, iyadoo eedayn looga dhigay inuu gudan waayay xilkii ay dowladdu u magacawday.

Ugu dambayn, Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa digniin u dirtay cid kasta oo faafisa oo gudbisa Wararka been abuurka ah ee aan la hubin, taas oo looga faa'iidaysan karo khalkhal galinta amniga degaanka, waxayna xukuumaddu hadalkeeda kusoo xidhay in ciddii wararkaa been abuurka ah uga faa'iidaysata inay amniga ku khalkhal galiso in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, waa sida lagu sheegay war goor dhawayd kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee degaanka Soomaalida.

Warkan galinkii dambe kasoo baxay dhinaca dowlad degaanka Soomaalida ayaa kusoo beegmaya xilli maanta uu shir jaraa'id qabtay Cali Samire Sigad oo ahaa Madaxii Xafiiska Arrimaha degaannada deriska ah iyo Xallinta isku dhacyada ee degaanka Soomaalida, oo uu kaga waramay arrimo ku saabsan dhinaca xuduudda uu degaanku la leeyahay degaannada kale ee Itoobiya.

Isu soo duuboo, Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa shirkaa jaraa'id ku sheegtay mid aan khusaynin dowlad degaanka Soomaalida.